WARKA CAALAMKA
Puntland Oo Go.aankii Ugu Danbeyay Ka Sosartay Dagaalka Tukaraq ee
February 1, 2018
0

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Sidii  wax looga qaban lahaa khatarta kaallimaha shidaalka ee  Magaalooyinka waaweyn iyo  Xeerka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Golaha xukuumadda  ayaa shirkoodii maanta ku dheeraaday amniga iyo difaaca dalka iyo sidii looga sifeyn lahaa Puntland ururada argagisada ah, golaha ayaa caddeeyay in amniga iyo difaaca Puntland ay yihiin muqadas, isla markaana laamaha amnigu ay si joogta ah uga hortagaan dhammaan kharaha dalka soo wajaha

Leave a Reply