WARKA CAALAMKA
Wasaarada arimaha Gudaha oo dib udhigtay magacaabista Taliyaasha ciidanka Boliiska iyo Nabad sugida
February 2, 2018
0

DFS ayaa shalay waxay dooneysay iney soo magacaawdo taliyeyaasha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale Nabad sugidda Qaranka ahase ahaatee dib ayaa loo dhigay

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in qorshaha uu ahaa in isla shalayba la magacaabo, hase ahaatee ay wax isbedaleen saacadihii ugu dambeeyay ee howsha.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in raggii qorshaha ahaa ee la magacaabi rabay loogaba shakiyey iney xiriir wanaagsan la leeyihiin kooxaha mucaaradka DFS, waa siyaasiyiintee.

Waxay taasi keentay in Farmaajo dib u eegis dalbo in lagu sameeyo waxa ka jira arrintaasi, haddii ay dhab noqotana waxaa muuqata in laga laaban doono arrimahaasi

Leave a Reply